Qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland oo dacwad ka dhan ah dastuur furista geeyey maxkamadda sare

Published: July 13, 2023
Shares76

Siyaasiyiin uu kamid yahay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta hor tegey maxkamadda sare ee Puntland, waxaana ay gudbiyeen dacwad liddi ku ah in dastuurka xiligan la furo oo wax laga beddelo.

Xukuumadda Puntland ayaa soo jeedisey in qodbka 46 aad ee dastuurka la beddelo kaas oo xisbiyada siyaasadda ku koobaya saddex xisbi oo keliya lagana dhigo shan xisbi, hindisahan ayaa loo gudbiyey Golaha Wakiilada, waxaana ay mariyeen habraaca dastuurku sheegaayo in wax looga beddelo, waxaana lagu wadaa todobaadka danbe golaha wakiiladu u fariistaan dooda wax ka beddelka dastuurka.

Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo ka hadley goobta kadib markii ay dacwadda gudbiyeen ayaa sheegay in ay sharci darro tahay xiligan in dastuurka la beddelo, khatar ku tahay amniga, iyo wixii lagu heshiiyey in ay burburaan, sidaas darteed uga codsadeen maxkamadda dstuuriga ah in ay joojiso arrintan. Guuleed ayaa ugu baaqey Madaxweyne Deni in aysan taladu gacantiisa ka bixin ee uu Puntland la wada lee yahay ilaaliyo.

In dastuurka la furo waxay sababtey dagaal culus oo ka dhacay magaalada Garoowe taariikhdu markey ahayd 20-kii bishii Juun ee la soo dhaafey, kaas oo dhaliyey khasaaro baaxad leh, ilaa haddana aan laga gaarin wax xal ah.

Masuuliyiin hore oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo raysalwasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid ayaa soo jeediyey qorshe xal u noqon kara is-maandhaafka taagan, waxaana ay soo jeediyeen in dastuurka aan la beddelin laakiin si kumeel-gaar a Lifaaq loogu laalo qodobada hadda la isku hayo wax ka beddelkooda.

Horseed Media