Qaramada Midoobay Oo Nabad Ugu Baaqday Somailand iyo SSC-Khaatumo

26 October, 2023

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa ugu baaqday SSC-…

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa ugu baaqday SSC- Khaatumo iyo Somaliland inay si nabad ah isku dhaafsadaan maxaabiista ciidan ee ay kala haystaan.

SSC iyo Somaliland ayaa kala haysta maxaabiis uu mid kasta ku qabsaday intii ay socdeen dagaaladii ka dhacayay magaalada Laascaanood, inkastoo maxaabiista ugu badan ay gacanta ku hayaan maamulka SSC-Khaatumo.

Wakiilka Qaramada Midoobay oo ka hadlaysay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho, waxay ku sheegtay, in is-dhaafsiga maxaabiista ay tahay mid kalsoonida lagu dhisayo. Waxay sidoo kale ku boorisay dhinacyadu inay ka taxadaraan inay rabshado kale ka dhacaan magaalada Laacaanood.

Horseed Media