Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareysay weerarradii lagu qaadday magaalada Buulo Mareer

Published: May 27, 2023
Shares4

Guddoomiyaha Golaha Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii shalay lagu qaaday magaalada Buulo Mareer ee lala beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Guddoomiyaha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, sidoo kale shacabka iyo dowladda Uganda iyo Soomaaliya, halka sidoo kale uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.

Guddoomiyaha golaha loo dhanyahay ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.

Horseed Media