Qarax lala beegsaday Madaxweynaha Galmudug iyo xildhibaano ku sugnaa deegaanka Laas-gacamay

Published: September 15, 2023

Ciidanka Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa fashiliyey Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa oo saaka lagu weeraray deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne, koonfurta gobalka Mudug.

Deegaanka Laas-gacamay waxaa joogay mas’uuliyiin oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Xildhibaano halkaas u tagay la dagaalanka al-shabab.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa ka badbaaday weerarkan.

Dhinaca kale burbur ayaa soo gaaray gurigii ay ku sugnaayeen madaxda oo la rumeysan yahay inuu ahaa yoolka weerarkan ismiidaaminta ah, walow gaariga uu ku qarxay goob ka durugsan gurigaasi.

Xildhibaanada Federaalka Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalam Dhabanacad ayaa la sheegay inuu dhaawacyo fudud kasoo gaaray burburka guriga.

Weli lama faah faahin khasaaraha rasmiga ahaa walow la sheegayo dhaawacyo soo gaaray ciidamada hor-istaagay qaraxan oo ahaa mid xoogan.

Horseed Media