Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay degaanka Kala-bayr ee gobolka Bari

Published: January 29, 2023

Qarax noociisu yahay miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay degaanka Kala-bayr ee Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob meherad ah, iyadoo uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kale oo laba askar yihiin waa ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Dhaawacyada oo qaarkood ay culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso. 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan qaraxaasi, mana jirin cid sheegatay masuuliyadiisa.

Horseed Media