Muqdisho: Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Hotel Peace iyo meel ku dhaw xarunta Xalane -SAWIRO

Published: January 2, 2017

Laba qarax oo aad u weyn ayaa ka dhacay subaxnimada maanta ee Isniinta agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Adan Cadde magaalada Muqdisho.

Uuro cad ayaa cirka isku shareertey oo daruur u eg qaraxa kadib, waxaana la maqley rasaas xooggan oo ka dhacaysa meel ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Qaraxa kowaad oo loo adeegsadey gaari bom lagu soo xirey ayaa lala eegtey barta kontroolka ee Xarunta Xalane ee ay degan yihiin ciidamada shisheeye iyo diblomaasiyiinta beesha caalamka. Sidoo kale Barta Kontroolka ee isgoyska danwadaagaha ayaa laga ilaaliyaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Qaraxaas markii uu dhacay ayuu waddada u furey in gaari kale oo bom lagu soo xirey kaas oo ahaa nooca xamuulka waxaana lagu qarxiyey Hotel Peace oo ay degaan ajaanibta iyo siyaasiyiinta qaarkood, waxaana hadda deganaa Guddiyada doorashooyinka dadban.

Hotel Peace ayaa ah goobtii uu ka dhacay shirkii Waddamada IGAD ee Muqdisho lagu qabtey bishii Steembar 2016. Waxaana burbur xooggan gaarey qaybo kamid ah Hotelka gaar ahaan dhismayaasha banaanka.

Hay’adda nabadsugidda ee NISA oo ka hadashey weerarkan ayaa sheegtey in ay fashilyeen laba gaari oo bom lagu soo xidhay oo ku socdey in ay gudaha u galaan garoonka diyaaradaha, waxaana ay weerarka ku tilmaameen mid fashilmey inkasta oo ay qireen in uu khasaaro dhaliyey.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashey weeraran, si rasmi ahna loogama hadlin. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhimashada ilaa hadda la xaqiijiyey ay gaareyso 5 qof iyo qaar kale oo badan oo ku dhaawacmey.

Waxaa durba weerarkan sheegtey Xarakada al-Shabaab oo ku tilmaamey weerar ay qaadeen Mujaahidiintoodu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *