Qatar iyo Imaaraadka Oo Dib U Furaya Safaaradahooda Labada Dal

Published: June 19, 2023

Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa Isniinta maanta ah ku dhowaaqay dib u furista safaaradaha ay ku kala leeyihiin labada dal, lix sano kadib markii uu go’ay xiriirkooda.

Labadan dal ee Khaliijka ayaa xiriirkooda dib usoo celiyey Janaayo 2021, kadib afar sano oo dalal dhowr ah oo Carbeed ay go’doomiyeen Qatar ayaga oo saaray xayiraad dhulka iyo cirka ah.

“Imaaraadka Carabta iyo Qatarx waxay ku dhowaaqeen soo-celinta mataaladda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeysa,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM.

Bayaan kaas la mid ah waxaa baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar.

Dib u furista safaaradaha ayaa imaneysa xilli ay yaraaneyso cadaawaddii Khaliijka kadib markii Sacuudi Carabiya iyo Iran ay bishii March ku dhowaaqeen inay soo afjareen toddoba sano oo xiriirkoodu go’anaa.

Waxaa taas xigay in Qatar iyo dalka ay deriska yihiin ee Bahrayn ay April ku dhowaaqeen inay xiriirkooda dib u billaabayaan.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrayn iyo Masar ayaa xayiraad diblomaasiyadeed iyo mid socdaal kusoo rogay Qatar 2017, ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto kooxo xagjir ah, ayna aad ugu dhowdahay Iran. Doha waa ay beenisay eedeymahaas.

AFP

Horseed Media