QM oo gargaar caafimaad oo loogu talo-galay reer Laascaanood gaarsiisey Garowe

Published: April 2, 2023

Qaramada Midoobey ayaa gargaar caafimaad oo loogu talo-galay dadka ka barakacay Magaalada Laascaanood soo gaarsiisey Garoowe.

Deeqdan oo ag wadeen saddex gaari oo nooca xamuulka ah ayaa ka kooban Agabyada kala duwan ee caafimaadka.

Deeqdan reer Laascaanood ee la gaarsiisey Garowe ayaa ka dhigan in ay meesha ka baxday in deegaannada  SSC wax loo soo marsiiyo Somaliland.

Guddiga 33da ka kooban ee Goboladda SSC-khaatumo ayaa horay caalamka uga codsaday in an Somaliland wax gargaar ah loo soo marin oo si toos ah loogu hagaajiyo Guddiga ay Doorteen.

Horseed Media