QM oo sheegtay in dad ka barakacay dagaalka Laascaanood ay gaareen dalka Itoobiya

Published: February 22, 2023

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tobannaan kun oo rayid ah oo ka barakacay Somaliland ay ka gudbeen xadka loogu tallaabo dhinaca Itoobiya ka dib markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ee ka socda Laascaanood.

Dadkan ka barakacay magaalada Laascaanood ee gaaray deegaanka Doole ee dalka Itoobiya ayaa ah ku dhowaad ilaa 80,000 oo qof, sida ay sheegtay hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Inta badan dadka halkaas u qaxay waa carruur, dumar, haween uur leh iyo hooyooyin naas nuujinaya ilmahooda, Hay’adda ayaana sheegtay in qaar ka mid ah dadkan ay kasoo tageen qoysaskooda.

Isbuucii lasoo dhaafay ayey Qaramada Midoobay sheegtay in dad lagu qiyaasay 1,000 qof ay maalin walba u tallaabayeen dhinaca Itoobiya tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Horseed Media