Qodobada wax laga beddely dastuurka Puntland oo faahfaahsan.

Published: July 25, 2023
Puntland coat

Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta oo taartiikhdu tahay 25 Luuliyo isku raacey in wax laga beddelo ilaa 7 qodob oo ka mid ah dastuurka Puntland, waxaa fadhiga soo xaadirey 60 Mudane oo kamid ah 66 Golaha Wakiiladu ka kooban yihiin.

  1. Qodobka 7aad farqadiisa (1) Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan iyo Sanaag, waxaa lagu daray Raas Casayr oo horey loo oran jirey Gardafuu kaas oo la magacaabey sanadkii 2013 kadib markii dastuurka la asnixisyey.
  2. Qodobka 44aad Farqadiisa (2) waxay u dhigney sidan: Xubnaha Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka waa mansabyada dadweynuhu tooska u dooranayaan. Waxaa lagu daray in Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ay yihiin mansabyada dadweynuhu soo dooroanayaan.
  3. Qodobka 46aad Farqadiisa (3) oo dhigneyd sidan: Saddexda urur siyaasadeed ee ugu codadka badan tartanka kowaad ee Golayaasha Deegaanka ayaa noqonaya saddexda xisbi siyaasadeed ee rasmiga ah. Qodobkan si weyn ayaa loo beddalay, waxaana muuqata in uu qabyo yahay, inkasta oo aan dastuurka wax kumeel-gaar ah lagu dhigin ayaa qodabkan laba fasiraad lee yahay waxaana wax ka beddelkiisi loo dhigey sidan: Ururada siyaasadeed ee doorashada kowaad ee goloyaasha deegaanka ka hela xubno ayaa noqonaya xisbiyada siyaasadeed ee rasmiga ah, waxaa lagu daray qodob afaraad oo oranaya: Doorashooyinka xiga xisbiyadu waxay noqonayaan shantii sanaba mar, waxaana xisbi noqonaya urur siyaasadeedkii hela 5% tirada guud ee goloyaasha deegaanada Puntland.
  4. Qodobka 56 aad: Hanaanka Dowladda Puntland ee ahayd Baarlamaani waxaa loo beddalay, In aytahay Dimoqraadi dadweynhu soo dooranayaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
  5. Qodobka 62aad: Sababaha lagu dhumin karo Xasanaadda xildhibaanimo, waxaa lagu daray qodobkan farqad cusub (d) Marki Xubinta xildhbaan kamid ah Golaha wakiilada laga qaadayo xasaanadda waa in ay oggolaadaan 2/3 tirada guud ee xubnaha golaha wakiilada.
  6. Qodobka 64aad Waxa uu ka hadlayaa awoodaha Golaha wakilada in ay ka mid tahay Doorashada Madaxweynaha, farqadda ka hadleysa ee (8) ayaa meesha laga saarey.
  7. Qodobka 90aad: Maxkamadda Sare: Wuxuu ka kooban yahay shan farqadood, waxaa laga saarey hal farqad oo ka hadleysa muddo xileedka Maxkamadda sare in ay tahay shan sano, waxaana hadda laga dhigey muddo aan cayineyn waxaa xilka ka qaadi kara Golaha wakiilada oo ah cod haldheeri 1/2+1
  8. Qodobka 112 ee ka hadlaaya dhismaha guddiga doorashooyinka, waxaa laga bedalay oo keliya muddada ay jirayaan oo ahayd 6 sano waxaa laga dhigey mid aan xili lahayn, waxaana ay xilka ku waayi karaan si lamid ah Maxkamadda dasuuriga ah qodobka 98aad:
  • b. Haddii ay lumiso shuruudihii lagu soo doortay mid ka mid ah.
  • t. Geeriyooto ama ay ku dhacdo jirro ay la gudan waydo xilkeeda.
  • j. Istiqaalo keento lagana aqbalo.
  • x. Ku xad gudubto Shareecda Islaamka, Dastuurka iyo qawaaniinta Dalka.
  • Kh. Maxkamadi ku xukunto fal dambiyeed culus.
  1. Qodobka 113 ee isla Guddiga doorashada, waxaa meesha laga saarey tiradoodi ahayd 9, waxaana laga dhigey in 6 kamid ah ay soo kala magacaabayaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, halka Xisbiyada jira oo aan tiradooda la aqoon midkastaa xubin ku soo daraayo.

Intaan waa nuxurka wax ka beddelka ee dastuurka ay ku sameeyeen Golaha wakiilada Puntland.

Horseed Media