Rag hubeysan oo weeraray saldhigga degmada Yaaqshiid

Published: July 8, 2022

Rag hubeysan ayaa maanta weerar ku qaadeen saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay wateen gaari nooca raaxada ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale raggan ayaa la sheegay inay isku dayeen inay xoog kusoo furtaan saaxibadooda oo ku xirnaa saldhigga, kuwaas oo loo soo qabtay falal la xiriir dhac ay u geysanayeen shacabka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo ragga weerarka qaaday uu ka dhacay halkaas, waxaana ku dhintay 4 ruux oo kala ah, laba ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday, 1 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska iyo qof shacab ah.

Waxaa sidoo kale nolosha lagu qabtay laba oo kale oo ka mid ah xubnaha weerarka soo qaaday, kuwaas oo iyana lagu xiray saldhigga.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhacdadaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *