Ra’iisul Wasaaraha Qatar oo gaaray Dimishiq si uu ula kulmo Axmed Al-Sharaa

3 days ago

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, si uu ula kulmo Taliyaha guud ee maamulka cusub ee Suuriya Axmed Al-Sharaa.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa wada hadallo ballaaran la yeelan doona Al-Sharaa, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, oo xaqiijiyay in “booqashadan ay ku timid xaqiijinta mowqifka adag ee dowladda Qatar ay ku taageereyso walaalaha Suuriya”.

Waa booqashadii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaaraha Qatar uu ku tago Dimishiq, iyadoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed Al-Khulaifi uu kaga horeeyay 23-kii December ee sanadkii hore.

Labo maalmood ka hor booqashadii Al-Khulaifi ee Dimishiq, Dooxa waxay dib u furtay safaaradeeda Dimishiq, waxayna ka taagtay calanka Qatar, ka dib markii ay xirtay bishii Luulyo 2011.

Horaantii bishaan, Doha waxay martigelisay wasiirka arrimaha dibadda Suuriya Asaad Al-Shaibani.

Iyada oo qayb ka ah taageerada ay siiso shacabka Suuriya, Doha ayaa sii wadda in ay gargaar degdeg ah u dirto Dimishiq tan iyo markii uu dhacay xukunka madaxweyne Bashaar Al-asad.

Horseed Media