Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Qatar

Published: July 21, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dalka Qatar kaga qeybgali doona shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed.

Waa safarkii 3aad oo uu Raysalwasaaraha tan iyo bishii hore dalka uga baxo isagoo safaro ku tagay dalalka Kenya iyo Ciraaq.

Horseed Media