Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya

Published: September 3, 2024

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka.

Shirkaan oo sanadkiiba afar mar la qabto ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha bani’aadannimo ee taagan, qiimeynta wixii qabsoomay, diyaar-garowga xaaladda La-nina, ka hortagga leexsashada gargaarka iyo in meesha looga saaro caqabadaha ka jira arrimaha gargaarka.

Madasha waxaa ka qeyb-galaya Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Horseed Media