Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS & Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Published: April 1, 2023
Shares54

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale kulanka Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Ahmed Jumah Alromaith ayaa ka dooday sidii Dowladda Imaaraadka ay u sii xoojin lahayd taageerada ay siiso dhigeeda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta ugu mahadceliyay booqashada uu ugu yimid Xafiiskiisa, kuna booriyay dadaalka ay waddo dolwaddiisa ee ah xoojinta xiriirka.

Horseed Media