Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar

Published: July 22, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Qatar, Ra’iisul Wasaare, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar – iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena Ra’iisul Wasaaraha Qatar uu xaqiijiyay in dowladdda Qatar ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya.

Horseed Media