Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Ballidoogle tababar ugu soo xiray ciidamo katirsan Danab

Published: February 8, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo ciribtirka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa ciidamada ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidankan.

Horseed Media