Ra’iisul Wasaare Xamse & Danjiraha Denmark oo ka wada hadlay horumarka dalka

Published: March 7, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay  dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Steen Sonne Andersen ayaa dhankiisa adkeeyey in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Horseed Media