Ra’iisul Wasaare Xamse oo Midowga kala hadlay taageeridda qorshaha xasilinta dalka

Published: February 22, 2023
Shares2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaamijyada horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaar  xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ah.

Horseed Media