Ra’iisul Wasaare Xamse oo safiirka Midowga Yurub kala hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed

Published: July 4, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh Dowladda.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda Cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay kordhinayaan mashaariicda horumarineyd oo ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *