Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in Al-shabaab laga qabsaday in ka badan 70 magaalo & tuulooyin

Published: April 1, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii howlgalkii hore ee AMISOM loo beddelay ATMIS, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda naf-hurnimada ah ee ku aadden nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlayey horumarka laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ku guuleystay xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol oo muhiim ah, kuwaas oo hadda xor ah, dowladduna ay ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

“Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xarowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyinkeenna istiraatijiga ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada Caalamka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya horumar iyo xasillooni ku naaloota.

Horseed Media