Ra’iisul wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo geeriyooday

Published: June 12, 2023
Shares12

Ra’iisul wasaarihii hore ee Talyaaniga, Silvio Berlusconi ayaa geeriyooday isagoo 86 jir ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhintay isbitaalka magaalada Milan ee San Raffaele dalkaas Talyaaniga sida lagasoo xigtay warbaahinta.

Bishii April ee sannadkaan ayaa Silvio laga daweeyay caabuq kaga dhacay sambabka kaas oo ka dhashay nooc ka mid ah kansarka oo aan la shaacin.

Silvio Berlusconi ayaa markii u horrreysay qabtay xafiiska ugu sareeya Talyaaniga sannadkii 1994, wuxuuna soo hogaamiyey afar dawladood tan iyo sannadkii 2011.

Horseed Media