Raysalwasaare Xamse oo Kenya safar ugu baxay kadib xiisadda Jubaland

28 November, 2024

Safarka Raysalwasaaraha ayaa yimid kadib markii dowladiisi ciidamo ku daabushey Jubaland amarna ku bixisey in la soo qabto Madaxweynaha Jubaland

Wararka aan ka helayno xafiiska raysalwasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegaya in uu safar ugu baxay dalka Kenya. Safarka Xamse ayaa la xiriira xiisadda colaadeed ee ka taagan Jubaland taas oo u dhaxaysa maamulka Jubaland iyo Dowaldda Federaalka ah.

Safarkan ayaa imaanaya iyada oo xiisaddu gaartey meeshii ugu xumeyd kadib markii Maxkamadda Muqdisho ay soo saartey waaran lagu oo xiraayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, sidoo kale Dowladda ayaa hadda u muuqata in ay qaadeyso talaabo military kadib markii ay ciidamo geysey Raaskaambooni.

Dowladda Kenya ayaa xiriir dhaw la wadaagta Jubaland kaas oo ay ka wada shaqeeyaan amniga xuduuda labada dal, ciidamada ATMIS ee Kenya ka socda ayaa iyaguna ku sugan Jubaland.

Dowladda Kenya yaa horey isugu daydey in ay xaliso xiisadan iyada oo soo dirtey wefdi heer sare ah kuwaas oo booqdey Kismaayo iyo Muqdisho.

HORSEED MEDIA