Rejeb Dayyib Erdogan oo markii saddexaad ku guuleystay xilka madaxweynaha Turkiga

Published: May 28, 2023
Shares2

Rejeb Dayyib Erdogan ayaa markii saddexaad ku guuleystay xilka madaxweynaha dalka Turkig, ka dib markii uu helay aqlabiyadda codadkii maanta la dhiibtay.

Erdogan oo laba mar oo hore ku soo guulaystay madaxweynaha Turkiga ayaa hadda doorashadan ku hoggaaminaya 52.9.

Halka musharraxii la tartamayayey ee Kamaal Kilicdaroglu ayaa waxa uu helay 47.1%.

Madaxda dunida oo ay ku jiraan kuwa Soomaalida ayaa bilaabey tahniyadda Madaxweyne Erdogan.

Horseed Media