Roobab xoogleh oo ka da’ay Soomaaliya iyo caruur ku dhimatay Bander-Bayla

Published: November 2, 2023

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa laga dareemayaa roobab xoogan oo dabeylo wata, deegaanada Puntland ayaa kamid ah goobaha roobabkan saameeyeen.

Inta la xaqiijiyey laba caruur ah ayaa ku dhintay degmada Bandar-Beyla ee gobalka Karkaar, Puntland.

 “Afar maalin oo xiriir ah Roob ayuu roobka socday. Qoys ka kooban 9 ruux ayaa gurigii ku dumay. 2 carruur ah ayaa geeriyootay, 3 kalena waa ku dhaawacmeen.”

Guddoomiyaha degmada Bandar-Beyla Cabdirashiid Yuusuf

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey soo baxayeen digniino la xariira roobabka mahiigaanka ah iyo dabeylaha ay keentay isbedalka cimilada ee El-nino.

Horseed Media