Ruushka iyo Shiinaha oo sii xoojinaya Isbaheysigooda

Published: May 16, 2024

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagay dalka Shiinaha, iyadoo labada dal ay doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda oo sii hagaagay tan iyo markii Moscow ay weerartay Ukraine laba sano ka hor.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa si diiran u soo dhoweeyay Mr.Vladamir,iyagoo isla soo qaaday qodobbo badan oo ay ku jireen wanaajinta xiriirka laba geesoodka ah ee Ruushka iyo Shiinaha iyo sii ambaqaadidda barnaamijtada horumarineed ee mustaqbaka horyaalla dhinacyadaasi.

Labada hoggaamiye ayaa kala saxiixday bayaan wadajir ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhammaystiran ee ka dhexeeya labadooda waddan ka dib kulankoodii ugu horreeyay.

Booqashada  ayaa timid maalmo ka dib markii Ruushka uu weerar cusub ku qaaday gobolka Kharkiv ee waqooyi bari ee dalka Ukraine,halkaasi oo la tilmaamayo in ciidamada Ruushka ay horay ugu sii siqeen boqolaal km ah jiidda hore ee dagaalka.

Ciidamada Kyiv ayaa la sheegayaa in ay la kulmeen caqabad ku saabsan dib u dhaca  ku yimid hubkii iyo rasaastii uga imaan jirtay Maraykanka.

Horseed Media