Ruushka oo duqeeyey isbitaalka carruurta ee caasimadda Ukraine

Published: July 9, 2024

Ruushka ayaa Isniintii ku garaacay magaalooyin ku yaala dalka Ukraine gantaalo ay ku dhinteen ugu yaraan 31 qof, isla markaana si wayn u burburiyay cisbitaalka carruurta ee Kyiv.

Daraasiin mutadawiciin ah, dhakhaatiir iyo shaqaale samatabbixin ah ayaa qodayay burburka qayb ka mid ah cisbitaalka carruurta ee Okhmadyt iyaga oo baadi goob quus ah ugu jiray dad badbaaday ka dib duqayntan oo ahayd midii ugu cusleyd ee caasimada lala beegsado muddooyinkii danbe.

Madaxweyne Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay kusoo rideen in ka badan 40 gantaal ugu yaraan shan xarun oo rayid ah, gaar ahaan koonfurta iyo bariga dalka, iyo sidoo kale caasimadda.

Horseed Media