Ruushka oo ka hortagay iskuday Ukraine ay ku afduuban lahayd diyaarad dagaal!

Published: July 8, 2024

Saraakiisha Sirdoonka Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa hor istaagay isku day ay Ukraine ku dooneysay in ay ku abaabusho afduubka diyaaradda Tu-22M3 ee Ruushka, sida ay shaaciyeen maanta oo Isniin ah.

“Sirdoonka Ukraine waxa uu damacsanaa in uu shaqaaleysiiyo duuliye militari oo Ruush ah si uu u helo abaal-marin lacageed iyo bixinta dhalashada Talyaaniga, si ay ugu qanciyaan in uu duuliyo oo uu ku dejiyo Diyaaradan wax duqeysay gudaha Ukraine,” ayaa lagu yiri qoraal lagu shaaciyey website-ka FSB.

Intii uu hawlgalka socday, Ruushku waxa uu helay xog ka caawisay ciidammada Ruushka in ay duqeeyaan garoonka diyaaradaha ee Ozerne ee waqooyi-galbeed ee Ukraine, ayay FSB ku dartay warbixinteeda.

Horseed Media