Ruushka oo sheegay in diyaarado lagu weeraray aqalka Kremlin-ka ee Moscow

Published: May 3, 2023
Shares6

Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in xalay laba diyaaradood oo ah oo  nooca aan duuliyuhu wadin lagu weeraray aqalka Kremlin ka ee ku yaalla bartamaha magaalada caasimadda ah ee Moscow.

Labadan diyaaradood oo la soo riday ayuu Ruushku sheegay in ay ka socdeen dalka Ukraine isla markaana uu qorshohoodu ahaa sidii loo dili lahaa madaxweyne Vladamir Putin oo aan xilligaas ku sugnayn aqalka Kremlin ka.

Kremlin ka oo ah halka Ruushka looga taliyo ayaa ah goob ammaankeeda aad loo adkeeyey isla markaana ay ku wareegsan yihiin qalcado lagala socon karo wax kasta oo hareerihiisa soo gala.

Su’aalo badan ayaa layska waydiinayaa qaabka ay labadan diyaaradood ku dhaafeen difaacii adkaa ee Ruushka ama ay ku gaareen goobtan aadka loo ilaaliyo.

Horseed Media