Safaaradda Soomaaliya ee Libya oo ka hadashey tahriibayaal laga siidaayey xabsi

Published: May 8, 2024

Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa faahfaahin ka bixisay Soomaali laga soo furtey koox ma gafayaal loo yaqaaney oo burcad ah kuwaas oo u haystey madax furasho.

Sawir hore Soomaali ku sugan Libya

Xogahayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee Libya Ibrahim Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ilaa 200 oo qof oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan laga soo badbaadiyay koox loo yaqaanno ‘Magafeyaal’.

Wuxuu sheegay in tirada rasmiga ah ee Soomaalida xabsiyada magafayaasha Liibiya laga sii daayay aaney hadda haynin hase-yeeshee arrintaa ay safaaraddu ku howlantahay.

Laba maalmood ka hor 107 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga soo daayay magaalo ku taal koonfurta bari ee Liibiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Liibiya. Walid Alorafi, oo ah afhayeenka waaxda dambi barista ee (CID) ee Benghazi, ayaa sheegay in muhaajiriinta, lagu hayay ilaa todobo bilood ay doonayeen inay aadaan Yurub.

Dadka la soo furtey waxaa ka muuqatey jirdil ba’an oo loo geystey, sida ay shegtey wakaalada wararka ee Reuters.

Soomaali badan ayaa muddo dheer u xirnaa kooxo burcad ah oo ka shqeysta tahriibta, waxaa loo geystaa jirdil si dadkoodi loogu khasbo in ay bixiyaan kumanaan dollar. Dadkan ayaa u tegey Libya si ay ugu tahriibaan dalalka Yurub.

HORSEED MEDIA