Safarka Wasiirka Russia Lavrov ee dalalka Afrika

Published: July 25, 2022
Shares38

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Axadii shalay booqasho ku tagay dalka Masar, isagoo usii gudbi doona dalal kale oo Afrikaan ah.

Safarka Lavrov ayaa salka ku haya sidii loo xoojin lahaa xiriirka Afrika iyo Ruushka, kadib markii Ruushka lagu eedeeyey inuu sababay hakadka ku yimid cuntadii Qaarada Afrika uga imaan jiray dalka ay dagaalada ka socdaan ee Ukraine.

Lavrov ayaa sheegay in dalalka Reer Galbeedka ay ka fidiyeen dacaayad, isagoo sheegay in xiriir soo jireen ah kala dhaxeeyo wadamada Afrika oo uu sheegay in ay dhex dhexaad ka noqdeen dagaalka ka socda wadanka Ukraine.

Wadanka Masar oo ah wadanka Afrika ee qamadiga ugu badan ka keensada Ukraine, ayaa sidoo kale horey ulla lahaa Moscow xiriir dhanka militariga iyo dalxiiska ah.

Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale booqdo dalalka Ethiopia, Uganda iyo Congo.

Asbuucii lasoo dhaafay ayey magaalada Istanbul heshiis ku gaareen Qaramada Midoobay iyo dalalka dagaalka u dhaxeeyo ee Ukraine iyo Russia oo ku heshiiyey in wadada loo furo maraakiibta sida qamadiga laga keeno Ukraine.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *