Safiirada Beesha Caalamka oo shir fogaan arag ah la qaatey qaar kamid ah ururada siyaasadda Puntland

Published: October 20, 2022

Kadib markii maalintii Salaasada safiirada beesha caalamka ee C6+ ay yimaadeen magaalada Garoowe shirna la qaateen Xukuumadda iyo hay’adda TPEC, ayey fadhigii labaad shir kula qaateen qaar kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland, shirka ayaa ku dhacay habka fogaan aragga ee Webex.

Shirka waxaa ka qaybgalay guddoomiyaasha ururada siyaasadda ee Puntland ka diiwaan gashan.

Urur siyaasadeedka SINCAD oo war ka soo saarey kulanka ayaa sheegay in Eng Maxamuud Khaliif uu ka jeediyey khudbad ku aadan aragtida ururka uu guddoomiyaha uu ka yahay ee ku aadan doorashooyinka goloyaasha deegaanka, casharadii laga bartey doorashadii hordhaca ahayd, caqabadaha hadda jira iyo sida horey loogu socon karo mudada yar ee harsan.

Dhanka kale guddoomiyaha urur siyaasadeedka Mustaqbal Xil. Siibad ayaa qoraal uu saarey ku faahfaahiyey shirka ay la qaateen beesha caalamka waxaana uu yiri:

Guud ahaan waxaa la isla soo qaaday in nadaamka doorashadu uu noqdo mid laga wada xaajoodo wadar-ogolna ku hirgala. C6+ waxay noo sheegeen in xukuumadda ay gaarsiiyeen in nidaamku noqdo mid wadar-ogol ah mar walba oo dambena ay u sheegi doonaan iyo in ay rabaan in ay taageeraan geedi socodka.

In badan oo kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland ayaa kalsooni darro ku qaba xukuumaddu in ay qabato doorashada marka la eego qaababkii ay u dhaqantey doorashadii hordhaca ahayd, sida Xildhibaanadii goloyaasha deegaanka oo dibad wareeg ahaa muddo dheer oo la diidey in ay fariistaan oo is doortaan, waxaana ay doonayaan in la helo heshiis lagu gali karo doorashada la saxiixo oo la isku ilaaliyo.

Horseed media