Safiirka cusub ee Maraykanka oo maanta gudbiyey waraaqaha aqoonsiga danjirannimo

Published: June 20, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday, waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.

Horseed Media