Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg.
Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay, sidii loo dardar gelinlahaa korna loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee 2020-ga, sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Ugu danbayntiina waxa kulankaa lagu soo qaaday nabadgelyada sidii loo adkayn lahaa loogana wada soconlahaa.
Waxaana Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed.
HORSEEDMEDIA