Sanaag: Wiil dhalinyaro ah oo uu ku soo dumay God laga laga qoto dahabka

Published: October 7, 2022
Shares2.4k

Deegaanka Milxo ee buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag waxa god dahab laga qoto oo ku dumay tan iyo xalay ku jira wiil dhallinyaro ah.

Wiilka oo lagu magacaabo Maxamed Siciid Cali ayaa la xaqiijiyay inuu nool yahay madaama codkiisa la maqlayo.

Dadka deegaanka ayaa wada dedaallo ay ku soo soo badbaadintiisa iyadoo aysan jirin wax gurmad dowladeed ah.

Sidan oo kale dhowr jeer ayaa dad kala duwan iyaga oo nool godad ugu dumeen buuraha dahabka ee Calmadow ka dibna lagu duugey, maadaama aysan deegaanka ka jirin tasiilaad lagu badbaadin karo.

Horseed Media