Sen. Ilhaan Cumar oo katirsan Congress-ka Mareykanka oo lagu soo dhoweeyay Garowe

Published: December 22, 2022

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa maanta lagu soo dhaweeyay Senator Ilhaan Cumar oo ka mid ah Congress-ka dalka Mareykanka.

Ku Simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan oo ay wehliyaan masuulyiinta ka tirsan Goleyaasha Dawladda iyo dadweyne fara badan ayaa garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Xildhibaannada.

Senator Ilhaan Cumar ayaa Masuuliyiinta iyo bulshada soo dhoweysay uga mahadcelisay sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen.

Ilhaan Cumar oo booqasho rasmi ah uga bilaabtay caasimadda Garowe ayaa lagu wadaa in caawa loo qabto munaasabadan lagu soo dhoweenayo.

Horseed Media