Sen. Sareedo Jeyte oo sheegtey in mashaariicdii hormarineed ee Puntland ay xaniban tahay

Published: August 8, 2023

Senator Sareedo Maxamed Xassan (jeyte) ayaa sheegtey in dhamaan mashaariicdii Puntland laga fulin lahaa ay u xaniban yihiin khilaafka Dowaldda Puntland iyo Dowladda federaalka, mashaariicda xaniban ayey sheegtey in ay ku jiraan kuwo muhiim ah, sida kan biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Xildhibaan Sareedo ayaa boggeeda facebook ku qortey in xildhibanada kale ee laga soo doorto Dowlad goboleedyadu ay metalaan dowlad goboleedkooda waxna u qabtaan dadkooda, laakiin Puntland dhibaatada ka jirtaa ay tahay in Madaxweynuhu ku doodo in aan metalno naftayada oo keliya ayey tiri, cidda keliya ee Puntland u meteli karta Federaalka waa Madaxweynaha Puntland, waana dhibaato weyn oo aan wajahayno ayey tiri.

Xildhibaanada ayaa welwel ka muujisey sida ay ay ku sii shqeyn karto, waxay sheegtey in eed badan oo dhanka metaladaada ah loo jeediyo laakiin aan dadkii waxba u qaban karin oo waxaa ku gudban Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland iyo Dowladda federaalka ayaan marna wadashaqeyn wanaagsan dhexmarin, Madaxweyne Deni oo ka shaqeeyey guusha Xasan Sheekh Maxamuud ayey kala boodeen wax yar kadib doorashadii 2022 ee looga guuleystey Madaxweynaha Puntland, inta badan khilaafka ayaa salka ku haya arrimo soo jireen ah oo la xiriira nidaamka federaalka iyo wax qaybsiga waxa taas dheer dano u gaar ah Madaxweynaha markaas jooga Puntland iyo kan federaalka.

Waxaa lagu wadaa bisha September 2023 in Madaxweynaha Puntland iyo koox wasiiro ah ay safar ku tagaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya si ay beesha caalamka uga dhaadhiciyaan in si gaar ah mashaarciidooda loogu sii daayo.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Xasan waxay ka mid ahayd 8 Senator ee Puntland metala, kuwaas oo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni gacantiisa ku xushey.

Horseed Media