Shacabka Boorame Oo Ka Gadoodsan Heshiis Beenaadkii Itoobiya & Somaliland

Published: January 7, 2024

Shacabka magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa maanta dhigay bannaabax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee qeyb kamid ah Badda JFS

Banaan-baxayaasha oo Bartamaha magaalada isugu yimid ayaa ku dhawaaqaya baddeenna iib mahan iyo erayo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliland, iyagoo tilmaamay in heshiis beenaadkaas uusan marna suuragal ka aheyn in laga fuliyo dhulka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatey is-afgaradkii dhaxmaray 1-dii bishan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdi, iyagoo Madaxweynaha ku bogaadiyey dadaallada Diblomaasiyadeed ee uu ka sameeyay arintaan, taas oo keentay in dowlado badan ay Soomaaliya ku garab istaagaan.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda banaan-baxyo looga soo horjeedo damaca liita ee dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyagoo sheegay in aysan ogolaan doonin taako kamid ah dalka, waxayna dowladda ugu baaqeen inay raadiso dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya ku maqan.

Xisbiyayda mucaaradka maamulka Soomaaliland ayaa Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu doorasho qabto loogana baahneyn xiligan wax kale, iyadoo dhanka kale Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada Soomaaliland oo shalay ku shiray magaalada Hargeysa ku baaqeen in deg deg doorashada maamulkaas loo qabto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media