Shacabka Degmada Moqokori, Hiiraan oo ku dhawaaqay Kacdoon cusub oo ka dhan ah Khawaarijta

Published: September 10, 2023

Degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan waxaa markale ka billaawday kacdoonka dagaal ka dhan ah khawaarijta oo looga saarayo degaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan  Galbeedka gobolka Hiiraan.

Degmadaan waxaa shalay gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf  Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin katirsan dowladda kuwaa Shacabka degmadaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan howlgal ka dhan ah khawaarijta

Madaxweyne ku xigeenka oo uu wehlinayay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali  (Sanbaloshe) ,ayaa goob fagaar ah kula hadlay shacabka Moqokori u sheegay in ay u midoobaan oo ay isku diyaariyaan Dagaal markale degaannada ay khawaarijta kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan looga saarayo.

Yuusuf Dabageed ayaa bulshada u sheegay in kooxaha khawaarijta uu waqtigoodii dhammaaday inta hartana ay tahay in ay shacabka oo kaashanaya dowladda ay iska xoreyaan, waxa uu sheegay in dowladda Hirshabeelle ay garab taagan tahay, waxii ay uga baahdaan.

Gobolka Hiiraan oo kamid ah goobihii ugu horeyay ee looga dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ayaa door fir-fircoon ka qaatay howlgalladaasi, iyagoo degaanno badan ka saaray kooxda Al shabaab.