Shacabka Tuniisiya oo dalbanaya in la qabto doorasho madaxtinimo oo cadaalad ah

Published: May 12, 2024

Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay maanta oo Axad ah caasimadda Tunisia si ay u dalbadaan in la sii daayo saxafiyiinta, dhaqdhaqaaqayaasha iyo dadka mucaaradka ah ee xiran, iyo in la cayimo taariikhda doorashada madaxtinimo ee cadaaladda ah.

Mudaaharaadku waxa uu imanayaa iyada oo ay jirto qalalaase dhaqaale iyo siyaasadeed iyo mowjado xadhig ah oo lala beegsanayo saxafiyiinta, qareennada, dhaqdhaqaaqayaasha iyo kuwa ka soo horjeeda.

Booliiska Tuniisiya ayaa Sabtidii xoog ku galay dhismaha xarunta qareennada, waxaana ay xireen Sonia Dahmani, oo ah qareenad caan ku ah dhaleeceynta adag ee madaxweyne Kais Saied. Laba wariye ayaa sidoo kale isla maalin la xiray.

Guddiga doorashada ayaa horay u sheegay in doorashadu ay ku dhacayso waqtigii loogu talagalay, balse iyadoo madaxweynaha uu ku eg yahay muddo xileedka ugu horreeya ee shanta sano ah, ilaa hadda ma aysan shaacin xilliga ay dhacayso.

Saciid ayaa xilka qabtay kadib doorasho xor ah oo dhacday 2019-kii, balse labo sano kadib waxa uu la wareegay awoodo dheeri ah markii uu xiray baarlamaanka la soo doortay oo uu ku dhaqaaqay wareegto.

Waxa kale oo uu la wareegay awoodda garsoorka, tallaabadaas oo mucaaradku ku tilmaameen afgambi.

Horseed Media