Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya doorashada guud ee dalkaas

Published: May 14, 2023

Dadweynaha Turkiga ayaa maanta safaf dhaadheer u galay doorashooyinka Baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha ee dalkaasi.

Doorashadaan oo ah mid aad uxiiso iyo xamaasad leh ayaa waxaa codod-kooda dhiiban doona 60 milyan 697 kun 843 codbixiye.

Xilka madaxweynaha dalkaasi ee 5 sano ee soo socota ayaa waxaa u tartamayaa 3 musharax oo kala ah madaxweynaha haatan talada haya Recep Tayyip Erdoğan, Sinan Oğan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka CHP, islamarkaana ah hogaamiye aad loo hadal haayo in uu doorasho adag lagalo madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha haatan talada haya Erdogan ayaa wajahayo loolan adag, iyadoo doorashadaan ay ka duwantahay doorashooyinkii hore ee dalkaasi ka dhici jiray marka laga eego sida ay u mideysan yihiin kooxaha mucaaradka.

Doorashadaan oo ah mid taariikhi ah waxaa lagu tilmaamay doorashada ugu xiisaha badan caalamka ee sanadkaan 2023, natiijadeedu waxay saameyn doontaa dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida sida ay qabaan qubarada wax saadaaliya.

Horseed Media