Shaqaalaha Puntland oo xuquuqdooda mushahar aan helin muddo 6 bilood ku dhaw

Published: September 20, 2023
Shares30
Puntland coat

Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa ka cabanaya mushahar la’aantii ugu xumeyd ee abid soo marta, kadib markii ay xuquuqdoodi waayeen muddo ku dhaw 6 bilood. Sidoo kale shaqaalaha ayaa ka cabanaya in adeegii wasaaradaha ee lagu bixin jirey kharajiyaadka socda aysan helin, taas oo keentey in xafiisyada ay uga shaqeeyaan Internetkooda gaarka ah, meelaha qaarna laga gooyey biyihii iyo korontadii markii ay iska bixin waayeen.

Dhan ciidamada Puntland ayaa sidoo kale wajahaya dhibaato la xiriirta xuquuqdooda, inkasta oo askartu markii ay yaabaan u soo baxaan waddooyinka xoogna ku qaataan mushaharaadka ka maqan, xogta Horseed heshay ay sheegaysaa in bilihii May ilaa Luuliyoay xoog ku qaateen, laakiin ay hadda ka maqan tahay bisha Agoosto ee la soo dhaafey iyo midda hadda socota.

Dakhliga Puntland ayaan wax is dhimid ah ku imaan, bilkasta cashuur ahaan waxaa dalka u soo gasha dakhli u dhexeeya $5 ilaa $7 milyan oo dollar, waxaana la is weydiinayaa sababta keentey in shaqaaluhu xuquuqdooda waayaan, haddii aan dakhligu is dhimin.

Mid kamid ah shaqaalaha rayidka ah ee xuquuqdiisa aan helin ayaa Horseed Media u sheegay in Wasiirada iyo Xildhibaanadu ay joogto u helaan xuquuqdooda mushaharka, taas oo gaareysa kumaankun dollar, laakiin shaqaalaha masaakiinta ah ee ku jira guryaha kirada ah aysan helin mushaharkooda iyada oo qaarkood ay gaareyso 150 dollar.

Xukumadda Siciis Deni ayaa horey loogu bartey in ay bixiso Mushaharka, laakiin mudadan dheer ee shaqaalaha rayidku aanu helin xuquuqdiisa ayaa ka dhigeysa tii ugu xumeyd ee abid soo marta.

Madaxweynaha ayaa safar gaar ah oo la xiriira danihiisa ku maqan muddo 40 mlaamood ku dhaw, waxaana uu ku sugnaa markii ugu dnabeysey dalka UAE.

Horseed media