Sheek Shariif oo dalbadey baaritaan lagu sameeyo weerarkii Cawsweyn.

Published: August 27, 2023

Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray weerarkii maalintii Sabtida Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswaye ee gobolka Galgaduud.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa la rumeysan yahay in lagu laayay askar badan, sidoo kalena lagu qabsaday hub iyo gaadiid dagaal askar badana maxaabiis ahaan loo kaxaystey.

Sheekh Shariif oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa marka hore tacsi u diray ehellada saraakiishii iyo askartii lagu dilay weerarkaasi

Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii argagaxisada Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda” .

Sheekh Shariif Sh. axmed

Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa dalbaday in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabka loo maareeyay weerarkaasi, maadaama uu dhaliyay khasaare xoogleh.

“Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas” ayuu raaciyay.

Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan qabashada Ceelbuur.

“Dhinaca kale waxaan bogaadinaynaa ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga gobolka Galgaduud” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa madaxweynihii hore ee dalka.

Ilaa hadda waxaa lala yaban yahay sida al-Shabaab oo ku dhex jira wareeg kooban oo Galguduud ah dhinackastana ay ka jiraan ciidamadu Dowladdu ay usgu suurta gashey in khasaaraha itaas le’eg ay geystaan iyada oo ciidamada ku jirey Cawasweyn wax gurmad ah aysan helin.

Horseed Media