Xamse oo dib ugu soo noqdey Muqdisho kadib safarkiisi qarsoodiga ahaa oo uu ku tegay Nairobi
Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa oo Khamiis ah dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu subaxnimadii maanta safar qarsoodi ah ku tegay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Sida xogtu sheegayso Raysalwasaaraha ayaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta kulan kula qaatey Agaasimaha hay’adda sirdoonka Kenya , Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, iyo Taliyaha Sirdoonka Ciidamada Difaaca Kenya .
Kulankan ayaa looga hadley xiisadda kal aloosan Jubaland iyo isbedladii ugu danbeeyey ee Dowladda Federaalku ay ciidamo badan ku daabushey Jubaland.
Xog ay heshay Horseed Media ayaa sheegaysa in wax is afgarad ah kulanka aanu ka soo bixin, Raysalwasaare Xamse ayaa dalbadey in uu wadatashi Muqdisho ugu noqonaayo, waxaase loo dhiibey moqfika Kenya ee ku aadan Jubaland.
Kenya ayaa si weyn u dooneysa in xiisadda la dejiyo oo dowladdu aysan qaadin tallaabo ciidan.
HORSEED MEDIA