Sheekh Shariif oo kulan la qaatey qaar kamid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha

Published: January 4, 2017

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatey labada musharax ee kala ah Cabdulqaadir Cosoble iyo Maxamuud Nuur Tarsan.

Kulankan oo masuuliyiintu aaney saxaafadda ka siin war rasmi ah ayaa warar hoose oo warbaahintu heleyso sheegayaan in ay diirada ku saareen sidii ay ugu midoobi lahaayeen doorashada la filaayo in dha dhacdo maalmaha soo socda, waxaana ay shirkooda uga wada hadleen sidii meesha looga saari lahaa Xasan Sheekh, una kasban lahaayeen siyaasiyiinta kale.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo si weyn uga soo horjeeda Xasan Sheekh ayaa aaminsan in uu ku meel-mari karo dhaqaale xoogan oo isku halaynaayo inkasta oo hanjabaadda dalka Maraykanku ay sugeyso maadaama uu haysto Baasaboor Maraykan ah, waxaana la sheegayaa in shirkaan isagu soo abaabuley oo dalbadey in isaga la taageero.

Tarzan ayaa isagu awood badan ku dhexlahayn Baarlamaanka kamana tirsana marka laga reebo in uu yahay qof ol-ole sameyn kara.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa la aaminsan yahay in ay jiraan xildhibaano taageersan oo kamid ah Baarlamaanka inkasta oo aanu ka qayb-qaadan doorashadii ugu musuqa badneyd ee Xildhibaanadu ku soo baxeen oo ka maqnaa dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hayb ah Musharixiintan ayaa la aaminsan yahay in uu yahay musharaxa ugu dhaqaalaha badan sanadkan, waxaase daruuro amdow ku noqdey afar sano oo qabyo ah, amni xumo iyo lacag jacayl (greed of money) taas oo Xildhibaanadu aad uga niyad jabsan yihiin una cabsanayaan amnigooda mustaqbalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *