Shiikh Shariif oo dhaliilo adag usoo jeediyey Maamulka Xasan Shiikh Maxamuud- Video

Published: July 27, 2024

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka digay nidaamka Xasan Shiikh Maxamuud qaabka ay u abaabulayaan ciidamo gaar ah iyo wiiqinta ciidamada Dowlada Federaalka.

Shiikh Shariif ayaa sheegay inay socdaan dadaalo ay xukuumada wado oo ay ku dhisayaan ciidamo gaar ah, ayna hoos u dhigeen tayeynta ciidamadii Qaranka, xili lagu wado inay dalka ka baxaan ciidamada nabad illaalinta ee ATMIS.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dowlada ku fashilantay arrimaha Dastuurka, Xoriyadda Saxaafadda, Doorashooyinka qof & cod, La dagaalanka Al Shabaab, Musuq-Maasuqa iyo Mukhaadaraadka, oo ay horey u balan-qaadeen.

Wuxuu uga digay madaxda dowlada Federaalka inay isku dayaan inay abuuraan nidaam kali-talisnimo oo lamid ah kuwii ay horey ugu fashileen Maamulkii militariga ee dalka mudada dheer soo xukumayey.

Madaxweynihii hore ayaa tusaale u soo qaatay hubkii dhawaan lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud iyo dagaal beeleedyada ka socda qeybo badan oo kamid ah dalka, inay arrimahan qeyb ka yihiin “nidaam xumada” ay horseedeen madaxda hada xilka heysa.

Horseed Media