Shiinaha oo billaabay dhoolatus militari, kadib kulankii madaxweynaha Taiwan & afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka

Published: April 8, 2023
Shares14

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo sabti ah hareeraha dalka Taiwan ka billaabay saddex maalmood oo dhoollatur militari ah, si ay u muujiyaan carada ay ka qaadeen kulanka madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay la yeelatay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Dhoolatuskan oo lagu dhawaaqay maalin kadib markii Tsai ay kasoo laabatay Mareykanka, ayaa si weyn loo sugayay kadib markii Shiinuhu uu cambaareeyay kulankii uu afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykank Kevin McCarthy kula yeeshay Los Angeles.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan oo si dimoqraadi ah loo maamulo, inay tahay dhul ay iyadu leedahay, iyada oo Shiinuhu aanu weligiis ka fogaan inay xoog u adeegsato si ay jasiiraddaas u maamusho.

Dowladda Taiwan ayaa si adag uga soo horjeeda eedeymaha Shiinaha.

Wasaaradda Difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay inay la socoto xaaladdan, isla markaana ay si weyn u feejigan tahay, ayna ka jawaabi doonto sida ku habboon, si ay u difaacdo ammaankeeda.

Horseed Media