Shiinaha oo dhex dhexaadinaya kooxaha Falastiiniyiinta

Published: July 16, 2024

Saraakiil sare oo ka tirsan kooxaha iska soo horjeeda ee Falastiiniyiinta ee Xamaas oo dagaal kula jirta Israa’iil iyo Fatah ayaa ku heshiiyey inay bishan ku kulmaan magaalada Beijing, halkaasi oo ay ku yeelan doonaan shir dib u heshiisiin ah, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Wafdiga Xamaas waxaa hogaaminaya madaxa siyaasadda ee fadhigiisu yahay Qatar Ismaaciil Haniyeh, halka dhanka Fatax uu hogaamin doono ku xigeenka madaxa Maxamuud Caluul, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan kooxda Fatax.

Labadan kooxood ayaa ahaa kuwo iska soo horjeeda tan iyo markii dagaalyahannada Xamaas ay Fatah ka saareen Marinka Gaza ka dib isku dhacyo lagu hoobtay oo daba socday guushii weyneyd ee Xamaas ay ka gaartay doorashadii 2006-dii.

Dhaqdhaqaaqa cilmaaniga ah ee Fatah ayaa maamula qeybo kamid ah deegaanada Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato.

Horseed Media