Shiinaha oo sheegay inuu kashifay Basaas u shaqeeya sirdoonka Maraykanka CIA

Published: August 11, 2023

Shiinaha ayaa kashifay nin la sheegay inuu basaas u ahaa hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, una dhashay dalka Shiinaha, una shaqaynayey koox warshado millatari ah, waxaana loo yaboohay lacag iyo socdaalka Maraykanka si uu u helo xog milatari oo xasaasi ah, sida ay sheegtay wasaaradda amniga ee xukuumadda Beijing.

Wasaaradda amniga ee dowladda ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in 52 jir lagu magacaabo Zeng oo waxbarasho loogu diray dalka Talyaaniga, halkaasoo uu kula saaxiibay sarkaal ka tirsan CIA-da oo fadhigoodu yahay safaaradda Mareykanka ee Rome.

Sarkaalka safaarada ayaa ku qanciyay Zeng inuu bixiyo “xog xasaasi ah oo ku saabsan militariga [Shiinaha]” isagoo ku bedelaya “lacag aad u badan oo magdhow ah” iyo caawinta Zeng iyo qoyskiisa si ay ugu guuraan Maraykanka, wasaaraddu waxay ku sheegtay bayaankan lagu daabacay online.

Zeng ayaa lagu helay inuu heshiis basaasnimo la saxeexday Maraykanka oo uu tababar qaatay ka hor inta aanu ku laaban Shiinaha si uu u fuliyo hawlo basaasnimo, telefishanka dawladda Shiinaha ee CCTV ayaa sheegay.

Xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday sanadihii u dambeeyay.

Washington ayaa ku eedaysay Beijing basaasnimo iyo weeraro dhanka internetka ah, eedeymahaas oo Shiinuhu uu diiday.

Shiinaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay halis kala kulmayaan basaasiinta, ayna sare u qaadeen la socodka waxa ay u arkaan howlaha basaasnimada.

Horseed Media