Shil gaari oo sababay dhimashada laba qof oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Published: March 9, 2023

Shil gaari oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawac qof kale oo halis ah ayaa ka dhacay agagaarka Xarunta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nooca Soomaalida u taqaano Candho-meydlaha uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Gaarigan oo ay lahayd shirkadda Hormuud ayaa siday qalab bira ah oo aad u culus.

Ciidamada Ammaanka oo goobta gaaray ayaa gacanta ku dhigay wadihii gaariga weyn ee dusha ka maray Mooto Bajaajta.

Dadka dhintay oo laga soo saaro gaariga hoostiisa ayaa la geeyay Xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da.

Horseed Media